Baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa markale maanta ku gacan seeray ansixinta xubnaha maxkamadda sare ee Puntland, kuwaas oo madaxweynaha markale uu dib u soo magacabay.
Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday mas’uuliyiinta maxkamadda sare ee Puntland Deni u magacabay, xilli horay xubnahaan ay baarlamaanka u diideen in ay ansixiyaan.
Madaxweynaha Puntland oo horay baarlamaanka ay ugu celiyeen garsoorka maxkamadda sare ee Puntland, ayaa markale ku adkeystay in uu soo magacabay mas’uuliyiintaan.
Kulanka baarlamaanka ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Garowe, ayaa waxaa soo xaadiray 40 xildhibaan, kuwaas oo ka soo horjeystay in dib golaha loogu soo celiyo ansixinta xubnaha maxkadda sare ee Puntland oo ay horay u diideen.
Guddi gaar ah oo baarlamaanka uu arrintaan u xilsaaray ayaa baarlamaanka u soo gudbiyay tala bixin ay kasoo talabixiyeen mas’uuliyiinta cusub ee madaxweynaha Puntland u soo magacabay maxkmadda sare.
Guddiga ayaa soo jeediyay qodobadaa: