U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Shaaciyey Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Kulan degdeg ah oo maanta isugu yimaadaan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyey waqtiga ay dhacayso doorashada xubnaha aqalka sare kaga soo aaddey Puntland.

Waxa uu baarlamaanku isku raacay in doorashadaasi la qabto maalinta Khamiista ah, iyadoo maalmaha Isniinta iyo Talaadadana musharraxiinta aqalka sare laga doonayo lacagta lagu waajibiyey.

Maalinta Arbacada ah ayuu Baarlamaanka Puntland qaban doonaa araajida musharraxiinta aqalka sare.

Ugu dambeyn waxa uu Baarlamaanka maamulka Puntland ugu baaqey dhammaan musharraxiinta aqalka sare iney degdeg ku buuxiyaan shuruudaha laga doonayo.

Maanta ayaa maamulka Galmudug wuxuu soo gebogabeeyay doorashada xubnaha aqalka sare iyadoo shalay xildhibaannada Galmudug ay doorteen 5 xubin, halka maantana doorteen 3 xubin.

Senator-kii ugu horreeyey ee Soomaaliya ayaa noqday Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari, kaasi oo shalay 15 October 2016 lagu doortey degmada Cadaado.

Goobjoog News