U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland oo Shan Qodob Kasoo Saaray Dastuurka Federaal

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeyay doodii ay ka yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay jabiisay qodobo ku qoran Dastuurka, wax ka badalka Dastuurka, xeerar iyo guddiyo uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka iyo ka fiir-sashada wada shaqaynta labada dhinaca.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray in ka badan afartan mudane iyo wakiilo shacabka matalayay oo hadalo laga siiyay fadhiga, waxaana lagu meelmariyay shan qodob oo kala ah.

  1. Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray Dastuurkii lixda saxiixayaal uu yahay kii rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aanan sharci ahayn
  2. Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray xeerarka Baarlamaanka FD ansixiyay oo aan lagala tashan dowladda Puntland sida uu qabo 111 ee dastuurka DFS, kuwaasoo aanan sharci ahayn, Puntland-na aanan ka shaqayn karin.
  3. Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray inaanayn sharci ahayn, guddiga dib u eegista Dastuurka DF, guddiga doorashooyinka, guddiga xaduudaha iyo arrimaha federaalka kamana shaqo gali karaan dhulka Puntland.
  4. Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka Federaalka qodobkiisa 50- farqadiisa lixaad oo ah labo gobal iyo wax ka badan aanan waxba ka jirin Puntland aanayn aqoon-sanayn.
  5. Baarlamaanka Puntland waxa uu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga kan xiga qodobaddaasi dowladda Federaalka inay wax ka badashay oo dariikhii saxda ahaa kusoo celiso iyo in kale.

Goobjoog News