U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland oo Su’aallo Waydiinaya Wasiirka Ka Tirsan Xukuumadda Deni

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland, ayaa maanta oo Talaada ah u yeeray wasiirka Cadaaladda  ee Puntland iyo xubna ka tirsan wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa la filaya in ay hortagaan golaha wakiilada Puntland, si wax looga waydiiyo arrimo ku saabsan howlaha wasaaradda.

Xildhibaannada golaha wakiilada Puntland, ayaa mas’uuliyiinta su’aallo waydiin doona, saacadaha ay hor joogaan, xilli sidoo kale wasiirka iyo wasaaradiisa laga dhagaysan doono warbixin ku saabsan howlaha wasaaradda.