U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland oo Haween Laáan ah, Akhriso Casharro Laga Bartay Doorashada

Sheeko:Amniga

Waxaa lasoo gabagabeeyey guud ahaan doorashadii golaha wakiillada Somaliland iyada oo aaney guuleysan wax haween ah.

Natiijada lagu dhawaaqay 82 kursi ee golaha wakiillada dhammaan waxaa kusoo baxay rag halka 13 haween ah oo tartamay aaney wax jago ah helin.

Xisbi Waddani ayaa aruursaday 31 kursi, Kulmiye 30 halka UCID uu helay ilaa 21 kursi. Sharciga Somaliland ayaa ogol keliya saddex xisbi siyaasi. Xisbiga Waddani waxaa uu 7 kusri ka helay  Togdheer halka labada xisbi ee kale ay heleen mid 4 kursi.

Kulmiye waxaa uu 8 kursi ka helay Maroodijeex iyo caasimadda Hargeisa iyada Waddani ka heleen 7, UCID-na 5 kursi.

Kulmiye waxaa uu ku awood badnaa  Sool, Sahil iyo  Maroodijeex, Waddani waxaa uu ku awood batay Togdheer iyo Sanaag halka ay qeybsadeen Awdal.

Ilaa  1.1 million ayaa isku diiwaan gelisay doorashada Somaliland laakin waxaa codadkooda ka dhiibtay  doorashada baarlamaaniga ah ee Somaliland 695, 915.

Barkhad Batuun, oo kasoo jeeda Gabooye ninka 2-aad ee codadka batay, waxaa uu helay  200,000, waxaa codadka ugu badan helay wiilka uu dhalay fannaankii weynaa ee Cabdikarim Maxamed Mooge Cida-gale ah uu noqday xildhibaanka helay codadka ugu badan oo ahaa 26 kun.

Goobjoog News