U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Diiday Ansixinta Guddiga Madaxa Banaan Ee Adeegga Garsoorka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid Kalfadhii 7-aad ulankiisa 33-aad iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ugu horeyn waxaa hadalka qaatay guddoomiyaha oo xubnaha baarlamaanka soo hor dhigay ansixinta Ajandaha baarlamaanka si loo gudo galo howl maalmeedka shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Ajandaha xubnaha la hor dhigay waxa kamid ahaa ; dhaarinta xildhibaan cusub  ,Ansixinta xubnaha Gudiga Madaxa-banaan ee Adeegga Garsoorka, wax ka bedelka xeer-hoosaadka Baarlamaanka,Akhrinta 2-aad sharciga Batroolka, warbixin Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka.

Xubnihii Baarlamaanku waxay dood ka keeneen qodobo ka mid ahaa Ajandaha oo ay codsadeen in laga saaro qodobada Baarlamaanku ka Arrinsanayo.

-Xildhibaan Max’ed C/llaahi “Fadhaye” ayaa sheegay in ay yihiin xildhibaanadii qaranka, “waxaan ummadda Soomaaliyeed ku matalnaa waa sharciga dalku leeyahay iyo Dastuurka, waxaa waajib inagu ah inaan ilaalinno nidaamka iyo Dastuurka, sidaa daraadeed qodobka 109 xarafkiis “A” ee Golaha Adeegga Garsoorka, faqradiisa kowaad waxay leedahay, Dastuurku wuxuu aasaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka, golaha adeegga garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal xubnood.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gudigu ka kooban yahay “Garsoorka sare ee Maxkamadda Dastuurka,garsoorka sare ee Maxkamadda Dastuuriga ah, Garyaqaanka Guud, labo garyaqaan oo sare oo ka tirsan sharci yaqaanada Soomaaliyeed oo mid walba xilli Afar sano ah ay ururka garyaqaanadu magacaabeen, qof guddoomiye ka ah Gudiga Xuquuqul-insaanka, 3-qof oo xushmad sare ku leh Bulshada rayidka oo ay soo jeediyaan golaha wasiiradu kadib uu magacaabo madaxweynuhu xilli 4-sanadood ah” .

Xildhibaan fadhiye waxa uu xusay in la hor keenay oo kaliya 3-dii bulshada Rayidka iyo labadii Garyaqaan, sidaa awgeed wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay sharciga in lagu dhaqmo iyo in la soo dhameystiro 9ka xubnood ee sharcigu tilmaamayo.

Hadalka uu xildhibaanku jeeday ayaa dhammaan loo wada riyaaqay , iyadoo ugu dambeyn guddoomiyuhu uu qodobkaa ka saaray Ajandihii Shirka Baarlamaanka.

Dhanka kale waxay xubnaha Baarlamaanku dib u celiyeen xildhibaan cusub oo maanta la filayay inuu ka mid noqodo xubnaha Baarlamaanka iyadoo dib loogu celiyay  is qabqabsi jira darteed iyo in dadkii xaqa u lahaa kursiga la doonayo in la duudsiiyo.

Goobjoog News