U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Leh Iyo Guddiyada Doorashooyinka Iyo Xuduudaha Oo La Dhaarinayo

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in kulan ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka shir doona arimo dhowr ah.

Kulanka Baarlamaanka ayaa lagu dhex dhaarin doonaa xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka, Xuduudaha iyo Federaalka.

Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa halkaasi khudbad ka jeedin doona.

Shalay waxaa kulan ay lahaayeen xildhibaanbada baarlamaanka, ka dib markii ay soo xaadiri waayeen tirada mudanayaasha baarlamaanka ee kulanka uu ku furmi lahaa.

Mar uu hadal kooban jeediyay Gudoomiye Jawaari waxa uu ka codsaday Xidhibaanada magaalada ku sugan in ay kasoo wada qeyb galaan kulanka baarlamaanka, maadaama shaqooyin muhiim ah u yaallaan.

Goobjoog News