U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaliya Oo Maanta Ansixiyay Ka Mid Noqoshada Hay’adda Islaamka ee Horumarinta (ICD)

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid sidii caadada ahayd Kalfadhiga 7-aad , kulankiisa 32-aad iyagoo maanta ay horyaalleen qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahayd ansixinta ka mid noqoshada Hay’adda Islaamaka ee Horumarinta (ICD).

Waxaa uu Baarlamaanku si aqlabiyad leh ku ansixiyay ka mid noqoshada Hay’adda ICD iyadoo ay codbixintu ahayd qaab gacan taag ah, guud ahaan xildhibaanada codkooda dhiibtay waxay gaarayeen 142 xildhibaan , waxaa ogolaatay 140 xubnood halka ay diideen 2 kale cid ka aamustayna ma jirto.