U bood dhigaalka

Baarlamaanka Tunis Oo Kalsooni Siiyay Xukuumadda

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Tunis ayaa saacado dambe oo jimcadii ah waxaa codka kalsoonida siiyay xukuumadda ra’isul wasaare Yusuf Shaahid, xilli dalkaas uu ka jiro dhibaatooyin xagga amniga iyo dalxiiska ah.

Xukuumadda waxaa ay heshay ilaa 167 cod, baarlamaanka Tunis waa 217 Xildhibaan, Shaahid waa ra’isul wasaarihii ugu yaraa tan iyo markii uu dalkaas xuriyad helay 1656-dii.

Ra’isul wasaaraha oo la hadlay baarlamaanka ka hor codeynta waxaa uu sheegay in haddii dhaqaalaha dalka uu sanadka 2017-ka sida sii ahaado in loo baahan yahay in tilaabooyin la qaado sida in shaqaale badan ay shaqooyin weyn doonaan.

Dalkaas oo ku tiirsan dalxiiska, waxaa uu hoos u dhacay kadib markii weerar ay ku qaatay Daacish lajo jeer sanadkii tagay.

Goobjoog News