U bood dhigaalka

Baarlamaanka UK Oo Ka Doodaya Mooshinka Aqoonsiga Somaliland

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka UK ayaa saaka oo talaada ah ka doodaya aqoonsiga madaxbanaanida gobalada waqooyi ee Soomaaliya ( Somaliland ), ay sheegtay in ay ka qaadatay Soomaaliya inteeda kale.

Dooddan oo lagu wado in baarlamaanka Ingiriiska ay saacada badan gorfeeyaan ayaa sidoo kale go’aan ay ka soo saari doonaan.

ma ahan markii ugu horeysay ee aqoonsiga Somaliland la horgeeyo mudanayaasha baarlamaanka Ingiriiska tan ayaa horay u dhacday 2019.

Dhamaadkii 2019 oo baarlamaanka la horgeeyay doodda dal u aqoonsiga Somaliland ayaa waxaa xilligaasi u codeeyay 11 xildhibaan kuwaas oo ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, wixii xilligaasi ka dambeyay Somaliland ayaa diiradda saartay sidii boqortoyada ay uga dhaadhicin laheyd in ay aqoonsadaan,  waxaa kale oo xusid mudan in ayba jiraan magaalooyin Ingiriiska ah oo mar hore Somaliland u aqoonsan dal ahaan, waxaa ka mid ah City of Cardiff, Sheffield iyo Birmingham.
Dowladda fadhigeedu yahay LONDON ayaan aqoonsaneyn gooni isku taagga Somaliland iyadoo dhowr jeer fagaarayashaa ka hor cadeysay mowqifkeeda.
Vicky Ford oo ah wasiirka dhinaca afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda UK ayaa sheegtay in Somalilanad ay keliya aqoonsan karaan marka ay Muqdisho aqbasho gooni isku taageeda.
Somaliland ayaa dhankeeda rumeysan in maanta ay go’aan ay ku qancaan soo saari doonaan mudanayaasha baarlamaanka UK.
Somaliland ayaaa 1991 markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee militeriga ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana tan iyo intaas aysan helin wax aqoonsi ah.
Goobjoog News