Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa la sheegayaa in todobaadkan ay qaraar ka soo saareen arrimaha Soomaaliya iyaga oo Riyadh iyo Abu-dhabi ku cambaareeyay sida ay ula dhaqmaan Muqdisho
Baarlamaanka midowga Yurub ayaa dalka Imaaraadka ku dhaleeceeyay in Soomaaliya uga aargoosanayaan mowqifka dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka.
Baarlamaankan fadhigiisu yahay Belgium-ka ayaa qaraar uu arbacadii meel-mariyay ku sheegay in Soomaaliya weli mowqifkeedu yahay dhex-dhexaad balse taas badalkeeda ay Imaaraadka iyo Sacuudiga joojiyeen lacagtii lagu kabayey miisaaniyadda.
Baarlamaanka Yurub ayaa Imaaraadka ku booriyay“Dalka Imaaraadka inuu joojiyo, howlaha lagu qal-qal gelinayo xasiloonida Soomaaliya, lana ixstiraamo qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed”.
Goobjoog News