U bood dhigaalka

Baashiir Raage oo Geeriyoodey, Akhriso Taariikhda Afkiisa Laga Qoray

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa iyo hoggaamiye kooxeedkii hore Bashiir Raage Shiiraar kaas oo la sheegay inuu wadnaha istaagay.

Haddaba, Bashiir Raage Shiraar waxaa uu horay taariikh nololeedkiisa oo dhameystiran uga waramay qoraaga Cabdicaziz Axmed Gurbiye.

Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii.

Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May.

Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye Airportiga Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya.

Mar uu Gurbiye weydiiyey sababta waxaa uu sheegay inuu rajo-weyn ka qabo  in uu doonayo in uu madaxweyne noqdo qof sita Baasaboor Soomaali ah.

Goobjoog News