U bood dhigaalka

Badri Axmed “Guul Iyo Horomar Ayaan U Rajaynaa Maamulka Iyo Ciyaartooyda Kooxda Elman”

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Kubbadda Cagta Elman Badri Ahmed Cabdulle ayaa soo dhaweeyay is badalka iyo waxqabadka uu la yimid  Guddoomiye Ku Xigeenka Kooxda Elman Cali Axmed Maxamuud (Sayid Cali Kuukaay),isagoo sheegay in Elman sanadaha soo aadan ay gaarayso guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta Soomaaliya.

“Runtii Sayid Cali Kuukaay shaqo qurux badan iyo is badal ayuu ku sameeyay kooxda kubbadda cagta Elman,waxaan u rajaynayaa isaga iyo Maamulka sare ee Elman Sports in ay gaaraan guulo waaweyn mustaqbalka soo so coda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka iyo kooxda Elman mudane Badri Axmed Cabdulle.

Dhinaca kale laaciba Badri wuxuu bogaadiyay da’daalada iyo dib u habeynta uu Guddoomiye Ku Xigeenka Kooxda Elman uu ku sameeyay guud ahaan heerarka kala duman ee kooxda,isagoo sheegay in iminka la dareemayo horomarka iyo is badalka uu sameeyay mudadii yareed uu joogay xafiiska naadiga jaalayaasha ee Elman.

“Waa Shaqo adag in aad maamusho kooxda Elman oo kale,balse Sayid Cali waa nin aqoon wanaagsan u leh  isboortiga dalka mudu badan ayuu ku soo jiray ciyaaraha gudaha,waxaan u rajaynaa in uu guulo waaweyn gaarsiiyo naadiga Elman” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacibkii hore kooxda kubbadda cagta Elman iyo Xulka Qaranka Soomaaliya mudane Badri Axmed Cabdulle.

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Kooxda Elman

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/kooxd-kubbadda-cagta-elman-iyo-gacal-polyclinic-oo-heshiis-dhanka-caafimaadka-kala-saxiixday/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle