Bahda Garsoorka Dalka oo Soo Dhaweeyay Xil Ka Qaadista Caydiid Ilka Xanaf

Warar goor dhaw na soo gaaray waxaa ay sheegayaan in bahda garsoorka dalka ay taageereen xilka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sameeyay guddoomiyihii Maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo Qareenno kale ayaa soo dhaweeyay xilka qaadista Caydiid Ilka Xanaf iyo guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka.

Taageerada bahda garsoorka ee go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ay hoos u dhigeysaa loolan xagga sharciga ah oo dad badan ay ka cabsi qabeen.

Dhinaca kale, Baarlamaanka federaalka oo maanta ka hadli lahaa arrinta xilka qaadista Ilka Xanaf ayaa u baaqday Kooram la’aan.

Wararkan oo Faahfaahsan, Kala soco, Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW