U bood dhigaalka

Bahda Goobjoog Oo Maanta Muqdisho Kusoo Dhaweysay Wariyeyaasheedii Saarnaa Markabka Nawaal Seddax

Sheeko:Dalka

Wariyaasheena Maxamed Salaad Cismaan iyo Aweys Xaajir Nuur (Aar) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii ay muddo Laba bil ah dul saarnaayeen Markabka Nawaal Seddax oo Yemen ka keenay kumanaan qaxooti Soomaaliyeed.

June 3-deedii ee sanadkaan 2015-ka ayeey ka amba baxeen magaalada Muqdisho, waxaana Dekadda weyn ee magaalada ay ka raaceen Markabka Nawaal Seddax oo ganacsade Soomaaliyeed ugu tala galay in lagu soo badbaadiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa Yemen.

Ma sahlanayn safarka la galayay, sababtoo ah waxa ay ahayd jawi ku cusub wariyayaasheena, waxaana ay noqdeen wariyayaashii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay safar ceenkaan ah gala.

Safarkoodii ugu horeeyay magaalada Muqdisho uga ambabaxeen waxa ay sii socdeen muddo Shan Maalin ah, iyadoo dalka Yemen markii ay gaareen ay la kulmeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhibban.

Dhexda ayeey u xirteen sidii ay dadkaasi uga soo tabin lahaayeen xaaladoodda ay ku sugan yihiin, waxaana ay Markabka la safreen muddo Seddax Jeer ah.

Nawaal Seddax ayaa dalka Keenay dad ka badan 15-kun oo ruux mudadii uu shaqadaasi socotay, intaasina Goobjoog News wariyayaasheeda ay dul saarnaayeen, xaaladda dadkaasina waa ay soo tabinayeen, hadii ay bad iyo barri joogaan intaba.

Safar walba oo Yemen uga yimaadaan, islamarkaana ay dad Soomaaliyeed ku keenaan waxa ay sii daba galayeen sida dadkaasi loogu soo dirayo gobalada kale ee dalka, illaa qofka ugu dambeeya uu ka baxo xerada nasashada Boosaaso waxay ahaayeen kuwo wararka iyo warbixinada halkaasi kasoo dira.

Dib usoo laabashadooda

Juhdi iyo dadaal dheer ka dib, wariyayaasha Goobjoog News, Maxamed Salaad Cismaan iyo Aweys Aar waxa ay maanta oo ay ku beegan tahay 06-da bisha August 2015, kusoo laabteen magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusii sugayay maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog News, si ay saaxiibadooda usoo dhaweeyaan.

Waxaa guud ahaan bahda Goobjoog News laga dareemayay farxadda soo dhaweynta wariyayaashan, maxaa yeelay waxa ay kaalin ka qaataan howl adag misane loo hayay shacabka Soomaaliyeed.

Kaliya ma ahayn waxa wariyayaasheena soo dhaweeyay bahda Goobjoog, ee sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin dhanka saxaafadda magac ku leh, maamulayaasha qaar ka mid ah warbaahinta dalka ka howlgala iyo wariyeyaal dhowr ah.

Maxamed Salaad iyo Aweys Aar, waxaa loo soo galbiyay xarunta dhexe ee Goobjoog News, halkaasi oo ay kusii diyaarsanaayeen wariyayaal badan oo isla Idaacadda ka tirsan, waxaana bilaabatay marxabeynta iyo soo dhaweynta wariyeyaasha.

Farxadda jirtay awgeed ayaa si lama filaan ah waxa ay bahda Goobjoog sare ugu qaadeen Aweys Aar iyo Maxamed Salaad, waxaana sidoo kale hal qabsi u ahaa shaqaalaha Goobjoog “Gacmo furan kusoo dhawaada”.

Maxay Dareemeen Aweys Aar iyo Maxamed Salaad Imaanshiyahooda ka dib?

Waa su’aal aad u muhiim ah, sababtoo ah waxa ay ka maqnaayeen saaxiibadii ay isku shaqada ahaayeen muddo Laba Bil ah, inkastoo qadka Taleefanka la iskala socday.

Waxa ay sheegeen in ay aad ugu farxeen soo dhaweynta ballaaran ee ay u sameeyeen maamulkooda iyo saaxiibada kale ee ay isku shaqada yihiin, islamarkaana dareen ahaan aan lasoo koobi karin.

Aweys Aar ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay soo laabashadeena iyo sida qiimaha badan ee naloo soo dhaweeyay, Goobjoog waxa ay u taagan tahay u adeegista bulshada, waana midda keentay in Laba bil aan safar ku maqnaanno, una dhaxeyno dalka iyo Yemen, waxaana ku faraxsannahay in shacabkeenna aan howlo muhiim ah u haynno”

Maxamed Salaad Cismaan ayaa isna mar uu ka hadlay dareenkiisa waxa uu sheegay in safarkooda uu ahaa mid taariikhi ah, maadaama Gurmad iyo Gargaarkii ay Goobjoog bilawday ku baxeen misane ay taasi keentay in lasoo badbaadiyo nolosha muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.

“Anaga markii magaalada Muqdisho nalaga diraayay waxaan ku baxnay in aan si aad ah shacabkeena ugu ifino Soomaalida ku dhibban Yemen, waxaa ilaahay mahadiis ah, in Barnaamijkii Gurmad iyo Gargaar ee aynu bilawnay sabab u noqday badbaadinta nolosha kumanaan Soomaali ah” ayuu yiri Wariye Maxamed Salaad Cismaan.

Axmed Weli Xuseen oo ah Tifaftiraha Goobjoog News, ayaa soo dhaweynta Wariyeyaasha ka dib, isna waxa uu sheegay in Goobjoog ay bulshada tustay in warbaahinta dhanka wanaaggana ay kaalin buuxdo ka qaadan karto.

“Waxaan dirnay Laba Wariye si ay usoo tabiyaan xaaladda Yemen ka jirta iyo dadka qaxootiga ah, hadii la oran jiray warbaahinta bur burka ama wax la mid ah ayeey kaalin ka qaadatay, maanta waxaan idiin sheegaynaa in midaan ay muujinayso sida warbaahinta Soomaaliyeed, ay isku gargaaridda iyo wanaagga kaalin uga qaadan karto, gaar ahana dadaalka ay Goobjoog sameysay” ayuu yiri Tifaftire Axmed Weli.

Waxay ahayd maanta maalin qiimo u leh bahda Goobjoog News, maxaa yeelay waxaa dib ugu soo laabtay Laba Wariye oo loo diray shaqo muhiim ah oo bulshada u baahneed.

Gurmad Iyo Gargaar

Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar waxaa fikradiisa lahaa shaqaalaha iyo maamulka Goobjoog News oo isku tagay, ka dib markii Soomaali badan ay ku go’doomeen Yemen, qaarkoodna halkaasi ay ku dhinteen.

Shir ballaaran, islamarkaana saacado qaatay ayaa waxaa isugu yimid maamulka iyo Wariyayaasha Goobjoog taariikhdu markii ay ahayd 3-dii April 2115, waxaana lagu go’aamiyay in banaanka lasoo dhigo Soomaalida dhibban iyo sida bulshada ugu caawin karto.

Guud ahaan Barnaamijyadii ka baxaayay Idaacadda waxaa laga wada dhigay Gurmad iyo Gargaar, waxaana taasi ay keentay in bulshada ay kusoo baraarugaan waxaan socda.

Waxaa aas aasmay gudiga badbaadinta iyo samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana guddigaasi ay bilaabeen uruurinta qarashaad lagu soo daabulo dadka Yemen.

Maalmihii Goobjoog lagu qabtay barnaamijka tabarrucaada ah, waxaa suurta gashay in guddiga ay usoo xarooto Lacag ka badan 100-kun oo doolar.

Waxaa hadda lasoo gabagabeeyay Howlgalka Koowaad ee Gurmadka loo sameynayay qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo loo diyaar garoobayo howlgalka wejigiisa Labaad.

Gabagabo

Goobjoog News waxa ay ka dhabeysay hal ku dhigeeda ah “MAR WALBA U DAACAD AH DADWEYNAHA”, waxaana idaacadda ay xoogga saartay sidii ay bulshada Soomaaliyeed u garab istaagi lahayd, walibana banaanka u keeni lahayd waxyaabaha shacabka ka qarsan, sida Gurmad iyo Gargaar oo kale.

Shaqaalaha iyo maamulka Goobjoog ayaa ah kuwo isku duuban, aragtida wadaaga si loo gaaro hiigsiga dhaw iyo midka fog, waxaana guul walba oo ay gaarto Idaacadda lagu gaaraa si mid ah, isku duubni iyo wada tashi.

W/D Maxamed Abukar Kulmiye

Sawir Qaade:- Xuseen Maxamed Hadaafow

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada soo dhaweynta

IMG_9345 IMG_9346 IMG_9347 IMG_9348 IMG_9349  IMG_9354 IMG_9355 IMG_9356 IMG_9359 IMG_9367 IMG_9381  IMG_9393 IMG_9444 IMG_9447 IMG_9449 IMG_9452 IMG_9456 IMG_9458 IMG_9459 IMG_9461 IMG_9462 IMG_9464  IMG_9468 IMG_9469 IMG_9474 IMG_9475 IMG_9477 IMG_9480 IMG_9491 IMG_9498 IMG_9502 IMG_9504 IMG_9521 IMG_9524 IMG_9544 IMG_9549 IMG_9558 IMG_9567 IMG_9579