U bood dhigaalka

Bahda Waxbarashada Oo Bogaadiyay Goobjoog News

Sheeko:Dalka

Bahda Waxbarasha ayaa Bogaadiyay Idaacadda Goobjoog oo maanta u dabaal degaysa Sanadguuradeedii Seddaxaad marka Idaacadda ay hawada kusoo biirtay.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIU Professor Yaxye Cali Ibraahim oo u waramay Goobjoog News ayaa ugu horeen waxa uu hambalyo ku aadan musaabadaan u diray Idaacadda, waxaana uu ku bogaadiyay Goobjoog News in ay sii badiso dadaalka ay ugu jirto ka qeybqaadasha dib u dhiska dalka, waxbarashada iyo Nabadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay gudoomiyaha in Idaacadda Goobjoog marka la eego sanadihii ay jirtay ay shacabka Soomaaliyeed u qabatay shaqo aad u badan.

Axmed Abshir Geedi isna waa u qeybsanaha dhanka arimaha Bulshada Jamciyadda Asal, waxa uu Idaacadda Goobjoog ugu hambalyeeyay Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay markii Idaacadda Dhidibada loo taagay.

Waxa uu sheegay Axmed in Goobjoog ay tahay Idaacadda kaliya ee garab istaagtay bahda waxbarashada, una fududeysay arimo badan oo ay u baahnaayeen ardayda Soomaaliyeed.

Maanta waxa ay ku beegan tahay 14-ka July 2015, Goobjoog News ayaa u dabaal degaysa Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay Markii Idaacadda Dhidibada loo taagay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha