U bood dhigaalka

Bahdii Isboortiga Hore Oo Kulan Is Xogwaraysi La Yeeshay Wasiir Xamse Saciid Xamse.

Sheeko:Cayaaraha

Kulan u jeedadiisa aheyd soo dhaweyn iyo is xogwaraysi ayaa Muqdisho waxaa ku yeeshay ciyaartooydii hore Soomaaliya iyo madaxdii hore Xiriirada dalka,wuxuuna kulankaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasiir Xamse Saciid Xamsa iyo bahda isboortiga dalka,tan iyo markii loo magacaabay Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya.

“Anaga ayaa casuunay Wasiir Xamse,wuxuuna u jeedka ahaa in aan marka hore ugu hambalyeeyno mudane Xamse,waxaana u balan qaadnay in aan la shaqeyno,si uu ugu guulaysto Wasaarada Ciyaaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Saciid Jaamac Qorsheel oo ka tirsanaa ciyaartooydii hore Soomaaliya.


Wasiir Xamsa Saciid Xamsa oo ka hadlay munaasabada soo dhaweynta, kana mahad celiyay taageerada iyo Hambalyada uu ka helay bahda Isboortiga meel kasto ay joogaan markii la soo magacaabey sheegay in uu diyaar u yahay ka tala qaadashada bahda isboortiga Soomaaliya meel kasta ay joogaan.

“Wuxuu ahaa kulan qiimo badan waxaana laga sheekeestay waayo waayo,ka dibna waxaa laga wada hadlay sidii wax loo horomarin lahaa,waan ku faraxsanahay garab istaaga bahda ciyaaraha dalka meel kasta oo ay joogaan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiir Xamse Saciid Xamsa.

Si kastaba Wasiir Xamse Saciid ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii bahda Isboortiga & dhalinyarada uu la yeelan lahaa xiriir dhaw Islamarkaana wax badan ka qaban doono horumarinta Isboortiga Wadanka.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle