U bood dhigaalka

Bahir Dar Oo Uu Ka Furmayo Madasha Looga Hadlayo Nabad-gelyada Iyo Amniga Afrika

Sheeko:Dalka

Magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya waxaa ka furmaya maanta Madasha “Tana ” oo looga hadlayo arrimaha ku saabsan Nabad-gelyada iyo amniga Afrika.

Madasha “Tana” oo lagu qabanayo magaalada Bahir Dar ayaa waxay soconeysaa labo maalmood, waxaana ka soo qeyb-galaya qaar ka mid ah madaxda qaaradda Afrika sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Madaxda la filayo in ay ka soo qeyb-gasho Madashaan waxaa ka mid ah Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Chad Idriss Déby, Madaxweynaha Togo Faure Gnassingbé, Madaxweynaha Guinea Alpha Condé.

sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka soo qeyb-galaan Madasha Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo iyo John Mahama oo ahaa madaxweynihii hore ee Ghana.

Madasha Tana ayaa sanadkii mar la qabtaa waxaana looga hadlaa Nabad-gelyada iyo amniga Afrika, waxaana ka qeyb-gala hogaamiyeyaasha Afrika iyo saaxiibada daneeya xaaladaha Afrika.

Goobjoog News