U bood dhigaalka

Baladweyn: Ciidamada Dabageed oo Dilay Taliyihii Booliiska Hiiraan

Sheeko:Amniga

Taliyihii booliska qeybta Gobolka Hiiraan, Col. Maxamed Macoow ayaa goordhow lagu dilay goob canshuurta lagu qaado oo ku taalla deegaaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyn.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii ay canshuur isku qabsadeen ciidamo taabacnsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo ciidamada ka amar qaata guddoomiyaha cusub Caraale.

Arrinta gobolka Hiiraan ayaa cakirneyd kadib markii uu Yuusuf Dabageed iska diiday xil ka qaadis uu sameeyey madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare.

Sida uu sheegayo, weriyaha Goobjoog News ee deegaanka, waxaa fashilmay wada hadallo ay galeen odoyaasha, iyada oo Yuusuf diiday inuu aqoonsanyahay maamulka Hirshabeelle, waxaa kale oo ciidamadiisa ay la wareegeen goobo badan oo canshuurta lagu qaado.

Goobjoog News