U bood dhigaalka

Baladweyn: Guudlaawe oo Isku Xiray Doorashada iyo Hub Ka Dhagista  Musharaxiinta

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xalay kulan gaar la yeeshay ilaa 50 musharax oo u tartamayey 11 kursi, isaga oo kala hadlay in doorasho ka dhacdo Baladweyn ay ku xirantahay in;

(1). La saaro ciidamo aan maamulkiisa ka amar qaadan oo ku sugan xerada Lamagalaay.

(2). In in ay aqbalaan in isaga uu soo xulo bulshada rayidka ee doorashada qeybta ka ah

Sida uu ku waramayo, weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn, musharaxiinta ayaa iska diiday dalabka iney hubka ka saaraan xerada, iyaga oo sheegay in ciidanku yahay mid dowladeed, oo aanu aheyn maleeshiyaad iyaga oo sidoo kale shaki ka miijiyey in madaxweynaha uu sida uu doonayo ka yeesho xubnaha bulshada rayidka ah, oo ka dhigan 40% miisaanka doorashada.

Xerada uu Guudlaawe leeyahay hala faarujiyo waxaa ay martigelisaa musharaxiinta mucaaradka sida Cabdullahi Sanbaloolshe, Cabdullahi Goodax Barre, Cabdirisaaq Cumar, Qoono iyo qaar kale.

Isla xalay, Maleeshiyaad ka mid ah beesha Lahubo, Gaaljecel oo ka gadoodsan in kursiga beesha loo xiro xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa xabado ku riday madaxtooyada taasi oo dhalisay in Hirshabelle ogolaato in la furo kursigaas.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxiinta ay u arkaan in maamulka Hirshabelle uu lacag sharci darro ah ka sameynayo doorashada, marka laga reebo afgarashada madaxda maamulka, waxaa kale oo halkii $10 kun oo doolar keliya laga qaadi lahaa musharaxa uu hadda bixiyaa lacag ilaa $50 kun oo doolar ah, oo isugu jira diiwaangelin, amni, CID iyo arrimo kale oo iska dabawareeg ah.

9-ka bisha ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada ku dhowaad ilaa 5 kursi oo ka tirsan 11-kaas kursi, lamana oga xilliga la dhameystiri doono inta kale.

Goobjoog News