Baladweyn: Haweeney Ka Badbaadey Kufsi Oo Xaaladdeeda Laga Deyriyay

Dhakhaatiirka Isbitaalka magaalada Baladweyn ayaa sheegey in Isbitaalka aan wax looga qaban Karin hooyo Soomaaliyeed oo ka badbaadey kufsi balse lala dhacey ilaa 8 Toorey ah.

Hooyadan oo Isbitaalka la dhigey 19-kii bishan waxaa la sheegayaa in lagu waxyeeleeyay miyiga magaalada Baladweyn kadib markii nin damiir laawe ahi uu meel cidlo ah ku helay iyadoo shaqo ku jirta isla markaana uu ku boodey, dhulka dhigey, isku dayey in uu kufsado markii ay iska celisana uu tooreynna caloosha ka la dhacey.

Maamada oo aad u liidata waxaa ay Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn u sheegtey in aan la kufsan oo ay ninka la tacaashey balse uu Caloosha Toorey ka geliyay.

Hooyadan ayaa la sheegayaa in Caloosheeda ay dibadda taalo, isla markaana saxarada qaab kale looga saaro, waxaa kaloo la sheegayaa in mashinno ay meel walba uga suran yihiin.

Ilaa iyo hadda lama soo qaban ninkii dhibka geystay, waana dhibaato u taallo shacabka iyo maamulka iney iska kaashadaan sidii loo badbaadin lahaa haweenka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW