U bood dhigaalka

Baladweyn: Labo Qof Ku Dhimatay Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Beeleed

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa dagaal dad beeraley ah ku dhex maray deleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa sababay  khasaare soo kala gaaray maleeshiyaadkii dagaalamay.

Dagaalka ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay deegaan lagu magacaabo  Shiirkaceeno oo 20 km woqooyi kaga began magaalada, labada maleeyiyo ayaa isku heysta lahaanshiyaha dhul beereed ku yaallo deegaankaasi

Qof shacab ah oo deegaanka ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khasaare ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka uu gaarayo dhimashada labo ruux, halka ay sidoo kale dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan meeshiyaadkii dagaalamay.

Waxaa sidoo kale uu hadalkiisa ku daray in ciidamadii dagaalamay ay weli ay is horfadhiyaan aysan jirin cid kala dhex gashay, iyadoo saacad welibana la filan karo in ay markale dagaalmaan labada maleeshiyaad ee is hor fadhiya.

Goobjoog News