U bood dhigaalka

Baladweyn: Labo Weriye oo uu Faarax Dulyar ku Jiro oo La Xiray

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadihii tagay lagu xiray magaalada Baladweyn ee xarunta Hiiraan labo weriye , kuwaas oo la sheegayo in loo xiray sababo kala duwan.

Weriye Cabdiqaadir Faarax Dulyar ayaa la sheegaya in xalay lagala baxay Hetelkiisa kadibna lagu xiray saldhigga booliiska magaalada.

Saacado kadib, waxaa isna lala xiray weriye  Maxamed Cusmaan Marakaan  oo ahaa agaasimaha Radio Hiiraanweyn, sababta xariga waxaa lagu sheegay in uu quraac u geeyey weriye Dulyar, isla markaana uu hey’adaha amniga ka dalbaday in la si daayo.

Weriyeyaal ku sugan Baladweyn oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay cambaareynayaan xariga labada weriye isaga oo goordhow shir la geli doona hey’adaha amniga iyo kuwa maamulka.

Goobjoog News