U bood dhigaalka

Baladweyn Oo Dad Ugu Dhinteen Fatahaado Horleh Iyo Reer Gedo Oo Jubbaland Ka Sheeganaya

Sheeko:Dalka

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn ilaa 3 qof ayaa ku dhimatay halka dad kale lagu la’yahay fatahaad horleh oo ka dhacday magaalada Baladweyn, Hiiraan.

Dhibaatada fatahaaddan cusub waxaa ay uga sii dareysaa xaalad jirtay muddo 3 todobaad ah, in ka badan 150 Kun oo ayaa Baladweyn uga qaxay arrimo la xiriira Fatahaadda.

Warar kale waxaa ay sheegayaan in dhowr iyo toban ay la gadoontay cagafcagaf mareysay buundada xaafadda Xaawo Taako isla magaalada Baladweyn, waxaana ilaa hadda lagu la’yahay hal ruux oo macalin ah.

Weriyaha Goobjoog News waxaa uu xaqiijiyay in weli aaney dowladda federaalka ah dadkaasi gaarsiin wax gargaar iyo deeq toonna.

Dhinaca kale, isla arrimaha fatahaadaha, sida uu warbixin ku soo diray weriyaha Goobjoog News ee Baardheere, waxgarad deegaanka ah ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Modoobe uu hor istaagay lacag 100 kun ah oo Dollar aheyd oo u socotay dadka ay dhibaatada ku heyso gobolka Gedo.

Nabadoon Xuseen Aden Warsame oo ka mid ah dadka la hadlay Goobjoog News waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “horta maamulka Jubaland iyo madaxweynaha dhib ayaan ka sheegannaa, abaar iyo daacuun ayaa nagu dhacay nooma soo gurman, xaq soor ma leh oo wixii beesha caalamka bixiso Kismaayo sooma dhaafaan, …iyada oo intaas jirto ayuu idaacadda ka hadlay oo yiri sidee la ii daba maray? Marka innaga ciddii wax noo qaban karto wax hanoo qabato”.

Goobjoog News