U bood dhigaalka

Baladweyn: Xabado Ka Socda Agagaarka Garoonka Ugaas Khaliif

Sheeko:Amniga

Xabado ayaa hadda ka socda agagaarka garoonka Ugaas Khaliif ee Baladweyn xilli lagu wado inuu magaaladaasi tago madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan cabsi laga qabo inuu kusoo faafo meelo xilli ay jiraan wasiirro dhexdhexaadin ka dhex wado labada dhinac.

Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn ayaa sheegaya in xaaladda ay sidaasi aheyd ilaa xalay, kadib markii goob walba la dhigay ciidamo badan, oo taabacsan dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka.

Ciidamadan oo isugu jira militari rasmi iyo qaar aan rasmi aheyn,  booliis iyo kooxo kale ayaa la wareegay magaalada iyaga oo abuuray xaalad cabsi.

Goobjoog News