U bood dhigaalka

Baladweyne: Booliska Oo Faahfaahiyay Dhacdo Uu Ku Dhintay Askari Jabuutiyaan ah

Sheeko:Dalka

Taliska Booliska qeybta gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo uu ku dhintay askari ka tirsan ciidanka AMISOM halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Xalay ayaa ciidamada Jabuuti iyo malleeshiyo hubeysan la soo sheegayaa inay iska hor imaad uu ku dhexmaray xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne.

Col. Isxaaq Cali Cabdulle oo Goobjoog News kula hadlay magaalada Baladweyne wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah.

“Dhacdadii ka dhacday xaafadda Howlwadaag hal qof oo askari Jabuutiyaan ah ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay seddex kale oo labo ay yihiin shacab halka qofka kale uu ka tirsan yahay ciidanka AMISOM ee Jabuuti, waxaana ku daba joognaa qaswadayaashii falkaasi ku kacay” ayuu yiri taliyaha qeybta booliska Hiiraan.

Arrintani ayaa ka dambeysay iska hor imaadka ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo malleeshiyaadka hubeysan dhexmaray.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay taliye Isxaaq Cali Cabdulle kulan looga hadlayay ammaanka gobolka Hiiraan oo ka dhacay magaalada Baladweyne.

Taliyaha ayaa sheegay in ammaanka ay si weyn xil isaga saari doonaan islamarkaana aan la aqbali Karin falal liddi ku ah nabadgalyada.

Taliska Booliska dowladda ayaa horey u xakameyn waayay dilalka  ku saleysan aanooyinka oo maalmahani ka dhacayay magaalada Baladweyne iyo degaannada hoos yimaada.

Goobjoog News