U bood dhigaalka

Baladweyne: Qoysas Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah qoysaskii dhawaan kasoo cararay dagaallada Yemen ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka dalbadeen gurmad dhan walba leh.

Dadkaan oo magaaladaasi laga dejiyay goob ay ku nafisaan ayaa qaarkood waxa ay u badan yihiin dad kasoo jeeda gobalkaasi, qaarkoodna waxa ay la joogaan dad ehel wadaag ay yihiin.

Hooyo dhashay 9- caruur ah, kana mid ah dadka ku dhaqan halkaasi, ayaa sheegtay in xaalad adag ay ku nooshahay, islamarkaana ay kala lumen seygeedii intii dalka Yemen lagu sugnaa.

Waxa ay ku baaqday cid walba oo Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan, maadaama dalka muddo badan ka maqnaayeen, hadana aysan aqoon meel ay wax ka bilaabaan.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobalka Hiiraan, ahna ku simaha gudoomiyaha gobalkaasi, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo isna kormeer ku tagay halka ay dadkaan ku sugan yihiin ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in wixii tabartooda ah u qabtaan dadkaasi.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in maalmaha soo aadan ay dadkaasi kaalmooyin u keeni doonaan, sidoo kalena ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo soo dhaweyn lahaa dadka kale ee gobalka Hiiraan kusoo wajahan kana soo cararaya dagaallada Yemen.

Dalka Yemen waxaa ka soconayo dagaallo, waxaana dagaalladaasi ay saameyn ku yeesheen Soomaali badan oo halkaasi qaxooti ku ahaa, iyadoo ay jiraan muwaadiniin badan oo dalka dib ugu soo laabtay.

Goobjoog News