U bood dhigaalka

Balanballe: Gurmad loo dalbay qoysas barakacayaal ah oo tabaaleysan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in gurmad ay soo gaarsiiso qoysas abaaro ku haysta tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi.

Guddoomiyaha Balanbale Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in degmada ay saamayn xoogan ay ku reebtay abaaraha halkaasi ka jira.

Waxa uu sidoo kale tilmamay guddoomiyaha Balanbale in degmada ay soo gaareen qoysaskii ugu badnaa oo ka soo cararay abaaraha ka taagan gobolka Galgaduud.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha sama falka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan ummada tabaaleysan ee Balanballe ku sugan, hadaan gargaar loo fidin waxaa dhacaysa in ay u le’daan gaajo” ayuu yiri Maxamed Maxamuud.