U bood dhigaalka

Balcad: Cosoble Iyo Golahiisa Wasiirrada Oo Ka Hadlaya Ammaanka Iyo Wada Shaqeynta Maamulka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cabdullahi Cosoble ayaa lagu wadaa maanta in golihiisa wasiirrada uu kula shiro magaacalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan xoogga lagu saari doono shaqada wasiirrada maamulka iyo sidii looga shaqeyn lahaa adeegga dadweynaha, iyada oo halkaasi warbixinno ku soo gudbin doonaan qaar ka tirsan golaha.

Kulanka waxaa uu imaanayaa maalin kadib markii uu Cosoble is badal ku sameeyay maamulka Gobolka Hiiraan iyo magaalada Baladweyn, waxaa sidoo kale kulankan ka soo qeyb galaya maamulka cusub ee degmada Balcad.

Waa markii ugu Horeeysay ee shirka Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle lagu qabanaayo Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Goobjoog News