U bood dhigaalka

Ballan Ka Baxyada Farmaajo: Jid la Xiraayo Ma Jiraayo”,  Dibadbaxyada: Halganka Meeshiisa Haka socdo!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii uu murashaxa ahaa waxaa uu balanqaaday arrimo badan, waxaa ka mid ahaa inuu u arkayey in jidadka la xirayo ay u dhiganto caburinta shacabka, halka dibadbaxyada lagu taageerayo isaga uu u arki jiray kacdoon iyo halgan wax lagu saxayo.

Mar uu ka hor hadlayey baarlamaanka 10-aad isaga oo xil raadis ah waxaa uu yiri “Waxaynu badalaynaa sidoo kale  haddii aad fursad isiisaan ,  aad ii doorataan  xilka aan raadinaayo  hadduu ilaahay yiraahdo,   in dowladdu ay awoodeeda ay ku cabirto shacabka,   intay u adeegi lahayd. Jidadkani  la xiraayo  oo maalmahoo dhan xiran,  waxaa waaye waa qeyb ka mid ah caburin , hadaad idoorataan magaaladaan nabad keeni waayo  baabuurtii waaweyneed ayaan gadaal ka galayaa, jid la xiraayo ma jiraayo. Markaan Al-shabaab ka adkaanayo markaas ayaan baabuurta ku raaxeyanaa laakin isma keeneyso adoo dagaal ku jira in jidadka ay dadka umadda  xiranyihiin wax loo baahan maahan”.

Dhanka kale, Farmaajo inta aanu madaxweyne noqon waxaa uu dibadbaxyada lagu taageerayo u arkayey kacdoon shacabka iyo halgan halka maanta uu diidayo.

Farmaajo oo mar ka hadlayey dad isaga dartii u dibadbaxayey oo la dilay waxaa uu yiri “Halganka meeshiisa haka socdo, kacdoonka waa socdaa, labadii qof ee Xamar ku dhimatay alla ha u naxariisto, labo qof ayaa ku dhimatay Xamar, mar walbo in la xusuusnaado waaye, hal qof magaciisa waan hayaa, qofka kale magaciisa markaan helo, meel kasta oo aan tageyno, inaan sheegno waaye, maxaa yeelay sidiina oo kale ayey usoo baxeen, laakin toodabaa dhamaatay, marka inaan xusuusnaado waa loo baahanyahay”

Farmaajo oo markaas murashax ahaa waxaa uu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey “Halganka waa soconayaa, ilaa Soomaaliya ay ka hesho dowlad rasmi ah,  oo cadaalad ah oo loo siman yahay”.

Todobaadkii hore,  waa labo jeer ay ciidamada ammaanka ishor istaageen dibadbax lagu diidan yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo oo ay mucaaradkiisu wadeen.

Goobjoog News