U bood dhigaalka

Bam Lagu Weeraray Xarunta Degmada Waaberi

Sheeko:Amniga

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka Qarax Bam gacmeed ah ayaa caawa fiidkii lagu weeraray xarunta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah oo ay heleyso Goobjoog News ayaa sheegaya in askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee ilaalada ka hayay uu ku dhaawacmay.

Koox aan la aqoonsan heybtooda ayaa Bam gacmeedka ku weeraray xarunta degmada, kuwaasoo baxsaday.

Maamulka degmada Waaberi iyo kan gobolka Banaadir wali wax faahfaahin ah kama aynaan bixin.

Weerarka loo adeegsaday xarunta degmada Waaberi ayaa qeyb ka noqonayo weerarro qaraxyo ah oo maalmihii dambe ka dhacayay degmooyinka gobolkani Banaadir.

Goobjoog News