U bood dhigaalka

Ban Ki-moon Iyo Kenyatta Oo Ka Wada Hadli Doona Arrimaha Qaxootiga Soomaalida Ee Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa kala hadlaya xoghaya guud ee qaramada midoobay Ban Ki Moon arrimaha la xiriira dib u celinta qaxootiga Soomaaliya.

Kulanka uu la qaadanayo madaxweyne Kenyatta ayaa imanaya Labo maalin kadib kulan uu la yeeshay madaxa hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay Fillipo Grandi kulankaas oo la isla soo qaaday sidii wadamada deeqaha bixiya ay u fududeyn lahaayeen geeddi socodka dib loogu celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda.

Xoghaye Ban ayaa la filayaa inuu u heli doono fursad uu ugu sheego dowladda Kenya inay dib uga fikirto go’aankeeda iyadoo la eegayo weerarkii dhawaan dhacay ee loo geystay ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah midowga Afirca.

Is Afgarad madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta 8-dii bishan ku gaareen magaalada Nairobi ayaa waxaa ka mid ahaa in rarista Qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii Saddex geesoodka ahaa kuna saabsan in dadka doonaya inay laabtaan kaliya la celiyo.

Heshiiskan qodobadiisa waxaa ugu muhiimsanaa:

In soo celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa oo dhigayey in dadkii celis doonaya oo kaliya la soo celiyo, in beesha Caalamka ay ku taageerto dowladda Soomaaliya soo celinta qaxootiga, in guddi labada dhinac ah loo saaro si dadkaas si nabadgalyaha uga gudbaan xadka, guddiga ayaa sidoo kale qaban doona howlo ay ka mid yihiin  arrimaha ganacsiga, Maalgeshiga, Caafimaadka, Waxbarashada, Ciyaaraha, Dhaqanka iyo xiriirka labada dhinac.

Heshiika Labada Madaxweyne waxaa ka mid ahaa  in baaritaanka duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya ay noqdaan hal meel iyadoo mustaqbalka la sameyn doono duulimaad toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Kenya, Wadamada Afrika iyo AMISOM ayaa sidoo kale lagu amaanay kaalinta ay ka qaataan xasilinta iyo Nabadgalyada Soomaaliya, waxaan meesha ka marneen xiriirka soo jireenka ah ee dhaqan dhaqaale ee labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya oo isna la bogaadiyay, lana dhiirigeliyay.

Goobjoog News