U bood dhigaalka

Ban Ki Moon Oo Baaq u Diray Siyaasiyiinta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa baaq u diray guud ahaan siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan horumaradda dalka iyo Hiigsiga 2016-ka.

Xoghayaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay guullo muhiim ah ku tallaabsatay, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo guulahaasi la gaaray oo horay loo sii wado.

Waxa uu Mr Moon ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolasha ay degsadeen iyo howlaha la qabtay.

Waxa uu carabka ku dhuftay arrimaha ku aadan dib u eegista Dastuurka, Dhismaha guddiyada qaran ee doorashada iyo madasha wadatashiga qaran ee dhawaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku heshiiyeen in la adkeeyo.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Xarakada Al-shabaab ayuu sheegay in muhiim ay tahay in dib loo eego baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ku kallifeysa inay ka mid noqdaan Ururkaasi.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa hadalkaan ka sheegay shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Goobjoog News