U bood dhigaalka

Ban Ki-moon Oo Baaq u Direy Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ka hadlay dhaarinta xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo dhanka kalena baaq direy.

Qoraal uu Mr Moon soo saarey ayaa ugu horreyn waxaa lagu amaaney dedaalka doorashada ee dalka ka socda iyo in la dhaariyo baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xoghayaha in baarlamaanka cusub laga doonayo iney ka shaqeeyaan degdeg ku dhicista doorashada guddoonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha, meel marinta Dhameystirka Dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Moon ayaa sheegay in sidoo  kale dhab ay u aqoonsan doonaan fal dambiyeed walba oo ka yimaada dhanka doorashada, waxaana uu ku baaqey in la dhameystiro xubnaha ka harsan Labada aqal ee baarlamaanka.

27-kii bishan waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey 283 xilidhibaan oo ka kala tirsan Labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo weli ay jiraan iney harsanyihiin doorashada  kuraasta ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka.

Goobjoog News