U bood dhigaalka

Ban Ki-Moon Oo Cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab Ee Deegaanka Halgan

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Khamiistii lasoo dhaafay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ka mid yahay weerarada Al-shabaab ay ku doonayaan inay ku qalqal geliyaan dadaallada nabadda ee Soomaaliya laga wado waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa sheegay in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka si buu yiri looga awood roonaado Al-shabaab.

Goobjoog News