U bood dhigaalka

Ban Ki-moon oo dalbaday in la dar dar geliyo ololaha lagula dagaalamo Burcad Badeeda Soomaalida

Sheeko:Dalka

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jeffrey Feltman ayaa usoo gudbiyay xubnaha golaha amaanka, warbixin uu soo bandhigay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon oo uu ku tilmaamayo in loo baahanyahay in la kordhiyo taageerada xagga saadka ah, si loola dagaallamo burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegaysa in ay soo noq noqdeyn hawlaha burcad badeednimo oo ay ku baaheen goobo ka baxsan xeebah Somaaliya, taasina ay ugu wacantahay maqnaanshiyaha taageero joogto ah iyo tababaro   la siiyo ciidamadabadda ee gobolka.

Warbixinta ayaa la soo gudbiyay intii lagu guda jiray kalfadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen warbixintii ugu dambeysay ee uu soo gudbiyay Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ee la xiriirtay hawlaha burcad badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray soo qab qabashada Burcad Badeeda Soomaaliya, islamarkaana waxa uu dalbaday in la dar dar geliyo arimahaan.

Ugu dambeyn Ban Ki-moon ayaa garwaaqsan in ay suura gal tahay dib usoo laabashada howlaha Burcad Badeeda hadii aan la sii xoojin taageerada Joogtada ah ee lagu baajinaayo Falkaasi.