U bood dhigaalka

Ban Ki-moon Oo Eedeeyay Kenya

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Ban Ki Moon ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ee duqeymaha ka geystay Soomaaliya lagu  burburiyey ceelal, guryo iyo xoolo.

Xogahayaha ayaa intaas ku daray inay jiraan tuhunno ah in la isticmaalay rasaasta qaraxyada sii dhalisa ee loo yaqaano Cluster munition sida ay sheegeen saxaafadda iyo bulshada deegaannada duqeymaha ay ka dhaceen iyadoo Kenya ay arrintaas ku sheegtay been abuur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in diyaaradaha dalka Kenya ay ku dileen Soomaaliya dad shacab ah oo tiradoodu tahay 29 qof kadib weerarkii dhimashada badnaa ee xarakada Al-shabaab ay ku qaadday saldhig Milatari oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah 108 dal oo saxiixay heshiis caalami ah kaas oo mabnuucaya isticmaalka hubka iyo rasaasta markii la isticmaalo qaraxyo kale sii dhalin kara oo loo yaqaan Cluster munitions.

Duqeymaha Kenya ee Soomaaliya ay ka geystay ayaa jawaab u ahaa weerarkii askarta badan Kenya looga dilay ee Ceel-cadde bishii 15 Jannaayo ee sanadkan iyadoo dowladda Kenya aysan illaa hadda ka hadal tirada ciidan ee dagaalkaas looga dilay.

Goobjoog News