Ban Ki-moon oo Muqdisho kusoo wajahan

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta kusoo wajahan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo wafdi la socda.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda diyaar garowga loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa Ban Ki-moon, iyadoo amaanka aad loo adkeeyay.

Goobjoog Fm wararka ay helayso sidoo kale waxay sheegayaan in Moon ay wehlinayaa xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Bangiga aduunka Jim Yong Kim, iyo saraakiil kale oo Qaramada Midoobay ah.

Waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaaana socdaalkaan uu noqon doonaa markii Labaad ee Mr Moon uu yimaado magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW