U bood dhigaalka

Banaadir Oo Laga Hirgelinayo Qorshaha Midaynta iyo Daadejinta Sugidda Amniga

Sheeko:Dalka

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Banaadir ka dhacay shir lagu daah-furay qorshaha midaynta iyo daadejinta sugidda amniga caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu sheegay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo.

“Waxaan rabnaa in aan ka guurno qorsha ah markii ay wax dhacaan in madaxda sar-sare oo kaliya su’aalo la weydiiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowdaan meesha ugu hooseysa oo ah guddoomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqooyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Xaafad kasta waxaa laga hirgelin-doonaa ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sugidda amniga halka dowladda ay ballan qaaday in ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo.

Dhinaca kale, arrimaha laga hadlay waxaa ka mid aha in loo baahanyahay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muqdisho iyo shaqada uu qabto, si looga baaqsado in caasimadda ay ku dhex dhuuntaan kooxaha dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed iyo in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin.

Thaabit Cabdi oo ahaa duqii hore ee Muqdisho ayaa bilaabay qorshahan ah in amniga gobolka ay la wareegaan maamulka Banaadir laakin waa laga diiday, xataa ciidamadii xasilinta ee lagu badalay aragtidiisa waa la kala diray iyada oo aan shacabka loo sheegin waxa ay qabteen muddadii ay joogeen, taasi oo ku timid istiraatiijiyad xumo.

Goobjoog News