U bood dhigaalka

Banaan bax lagu taageerayay hawl-galka Bad weynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay

Sheeko:Dalka
Qaar ka tirsan dadkii isugu yimid taallada Dal jirka daahsoon
Qaar ka tirsan dadkii isugu yimid taallada Dal jirka daahsoon

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax ay soo abaabuleen shacabka ku dhaqan caasimadda kaasi oo lagu taageeryay Hawlgalka Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee ay Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan qaar ka tirsan gobolada dalka.

Banaan-baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururadda Bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah madaxda maamulka gobolka Banaadir oo halkaasi kula hadlay dad weynahii isugu yimid dibad baxa,waxaana ka mid ah masuuliyiintii goobta ka hadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali faraax Maxamuud (Cali Seeko) oo shacabka isugu soo baxa sameynayay kula hadlay koobta, sheegayna inay muhiim tahay in la taageero Hawlgalka Badweynta Hindiya ee ciidaamda xoogga dalka Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM uga saaraan qaar ka mid ah gobollada dalka Al-Shabaab iyo sidoo kale in la muujiyo amniga soo hagaagaya ee caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo uga mahad celisay dadkii ka qeyb galay banaanbaxa nabadeed ee lagu taageerayay hawlgalka Bad weynta Hindiya waxa ayna sheegtay in ay muhiim tahay in la taageero ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale nabadda Horurmarka sameynaysa ee magaalada Muqdisho.