U bood dhigaalka

Banaanbax Ka Dhacay Hargeysa Ka Dhacay iyo Mas’uul Ku Dhaawacmay

Sheeko:Amniga

Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay dhigayeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani , waxaana looga soo horjeeday xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweye Muuse Biixi Cabdi, kaas la xiriira arrimaha  doorashooyinka madaxweynaha Somaliland

Dibadbaxa oo ku faafay wadooyinka, taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ay ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah Biixi, waxaana kadib kusoo baxay ciidan Booliiska oo isku dayay in ay kala eryaan banaanbaxayaasha, rasaas ay rideen ayaa dhalisay dhaawac soo gaaray mas’uul ka tirsan xisbiga.

Xildhibaan Barqal Batuun Jaamac oo ka tirsan xisbiga Wadani kana mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, kadib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada, taas oo ay uga gollahaayeen in ay ku kal eryaan Banaanbaxayaasha kasoo horjeeday madaxweyne Biixi.

Banaanbaxa maanta dhacay oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa xisbigu iclaamiyay in la isku soo baxo kadib markii Muuse Biixi lagu eedeeyay inuu doonayo inuu dib u dhigo doorashada madaxweynaha Somaliland, arrintaas ayaa waxaa ka horyimid axsaabta mucaaradka ah ee ugu weyn yahay Wadani.

Goobjoog News