U bood dhigaalka

Banaanbax Lagu Dalbanayey Sii Daynta Ganacsade ‘Afweyne‘ Oo Ka Dhacay Cadaado

Sheeko:Dalka

Banaan bax lagu dalbanayey sii deynta Ganacsade Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo ku xiran dalka Biljimka muddo dhan 5-Sano ayaa ka dhacay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dibad Baxaan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiiro Xildhibaanno maamulka degmada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Dibad baxyaasha ayaa ka codsaday wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Biljimka in ay kala hadlaan Biljimka soo deynta Maxamed Cabdi Xasan Afweyne.

Dahabo Axmed Carab oo ka mid aheyd Banaan Baxyaasha ayaa ka codsatay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya in sii deynta Afweyne uu kala hadlo madaxda Biljimka waxayna tiri “ Waxaan leeyahay ra’iisulwasaaraheenna waad inaad keentaa Maxamed Cabdi Xasan, waxaa uu aruurin jiray Masaakiinta idhoolayaasha ayuu aruurin jiray guryo ayuu u dhisi jiray wax dambi ah oo lagu heysto malahan”.

Ma’uuliyiinta ka hadashay goobta uu dibad baxa ka socday waxaa ka mid ahaa Cumar Maxamed Diiriye oo ah Wiiru dowlaha dowladda hoose ee Gamudug isaga oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka codsanayaan in la soo daayo Ganacsade Afweyne.

“Ganacsade Maxamed Cabdi Xasan in naloo soo daayo waxaan ka codsaneynaa Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisulwasaare Kheyre oo maanta Fursadda uu ku joogo Biljimka in uu ka faa’ideeyo oo uu soo daayo asaasihii Galmudug”.

Goobjoog News