U bood dhigaalka

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xildhibaan Lagu Dilay Laasacaanood Oo Ka Dhacay Magaaladaas

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay gudaha magaalada Laascaanood loogu geystay xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Cardoofe, oo ka mid ah munayaasha golaha deegaanka Laascaanood.

Xildhibaanka ayaa waxaa dilay koox aan la aqoon haybtooda kuwaas oo sida la sheegay isaga baxsaday kadib markii ay dilka geysteen goobta.

Cardoofe ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugna Afafka hore ee hoygiisa oo ku yaallo magaalada Laascaanood.

Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo dilka xildhibaanka iyo dilal Habeenadii la soo dhafay gudaha magaalada ka dhacayay ayaa xalay lagu qabtay waddooyinka waaweyn ee magaalada Laascaanood.

Shacabka ayaa ka cabanayay kooxa aan la aqoon kuwaas oo dilal qorsheysan maalmihi la soo dhafay ka geysaneysay magaalada Laascaanood.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo careysnaa ayaa maamulka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xaaladda Amni darro ee deegaanka ku soo korortay.

 

Goobjoog News