U bood dhigaalka

Banaanbax Loogu Dabaaldegayo 1-da Luulyo Oo Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Kubadda cagta ee Koonis waxaa ka soconaya Banaanbax weyn oo loogu dabaalgedagayo munaasabadda Kowda Luulyo oo ah markii ay gumeystaha Talyaaniga ka xoroobeen gobollada Koonfureed ee dalka, iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu tagay Garoonkaasi, waxaana halkaasi kula hadlaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Banaanbaxan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Fanaaniin qaaday heesaha u gaarka ah maalmaha xorriyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News