U bood dhigaalka

Banaanbaxyo ka dhacay Ruushka oo lagu xiray 1,330 qof

Sheeko:Dalka

Inkabadan 1,330 ruux ayaa la dhigay xabsiga, kadib banaanbaxyo ka dhacay magaalooyin ka tirsan dalka Ruushka, kuwaas oo looga soo horjeeday amar ka soo baxay madaxweynaha Ruushka Putin, kaas oo dhigayay in la howlgaliyo qaar kamid ah ah shacabka si ay uga qayb galaan dagaalka ka dhanka ah dowladda Ukraine.

Kooxda dabagalka xuquuqda aadnaaha ee magacooda loos oo gaabiyo OVD-info, ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen in xabsiga la dhigay 1,332 qof oo ka qayb galay banaanbaxyada ka dhacay 38 magaalo oo ku taalla Ruushka.

Magaalada caasimadda ah ee Moscow ayaa lagu xiray 50 qof oo ku sugnaa suuq laga adeegto oo ku yaalla magaalada, halkaas oo ay banaanbax  ka sameyeen.

Isu-soo-baxyadaan ayaa ah kuwii ugu wayna ee Ruushka ka dhaco tan iyo markii uu bilawmay dagaalka Moscow ay ku qaadday Kyiv.

Sergei Shoigu Wasiirka difaaca Ruushka, ayaa sheegay kadib amarkii madaxweyne Putin in hadda ay wadaan abaabulka 300,000 askarta kaydka kamid ah si dagaalka loo geliyo.

Goobjoog News