U bood dhigaalka

Bandhig faneed balaaran oo lagu muujinayay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho.

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”65″]

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa ka qeybgalay xalay fiidnimadii bandhig faneed si wadajir ah markii ugu horeysay muddo 24 sano ah kadib ay uga dhigeen Caasimadda Muqdisho fanaaniinta qaranka Soomaaliya  iyo fanaanad u dhalatay dalka Talyaaniga , laguna maamuusayay xiriika iyo iskaashiga xoogan ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga .

Bandhig faneedkan oo sidoo kale qeyb ka ahaa qaar ka mid ah cayaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalidu leedahay , ayaa waxaa dhanka fanaaniinta qaranka ka muuqday Shimaali  Axmed Shimaali iyo Nimco Xasan, halka fanaanada caanka ah ee u dhalatay dalka Talyaaniga Monica Cerri ay ku soo bandhigtay halkaasi heeso kala duwan .

Gaba-gabadii bandhiga ayaa hadal uu ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza uu ku sheegay isku imaatinkani inuu muujinayo ifafaalaha nabadeed iyo himilooyinka guusha leh ee Caasimadda Muqdisho ay naawileyso , isagoo tilmaamay in Muqdisho ay dib u gocaneyso soo ceshashada maalmaheedii xusuusta lahaa ee nabadda iyo isdhexgalka bulshada .

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ambassador Nicholas Kay oo munaasabadan ka hadlay ayaa isna sheegay in Muqdisho ay ku jirto maalmihii deganaanshaha , waxa  uu yiri “ muddo sanad ah oo aan  ka howlgalayo Soomaaliya , waa ii farxad inaan arko xaflad faneed ay ka muuqato fanaanada Talyaaniga Monica Cerri , waxa ay tani bilow u tahay wanaaga cusub iyo mustaqbalka deganaanshaha Soomaaliya”.

Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya ambassador Fabrizio Marcelli  oo hadal kooban ka jeediyay xafladan ayaa cadeeyay in dowladdiisu ay xoojineyso xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Soomaaliya , isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinka colaadaha sokeeye iyo falalka argagaxiso ay u geysteen hanaanka dowladnimada iyo deganaanshaha.