U bood dhigaalka

Bandhigga Buugaagta Muqdisho oo Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Kadib muddo 3 maalmood ah oo uu magaalada Muqdisho ka socdey bandhiggii ugu horeeyey oo caalami ah buugaagta oo lagu qabto magaalada Muqdisho ayuu caawo kusoo gabogaboobey hoolka shirarka ee Hotel City Palace.

Maxamed Sheekh Cali Diini, Agaasimaha hey’adda New Horizon oo soo qabanqaabisey bandhigga ayaa u mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha, iyo dadkii ka qeybqaatay ee isugu jirey martida iyo hawl wadeenada.

Maanta waxaa si weyn madasha loogu soo bandhigey hadalo ay jeediyeen qorayaasha kala ah Cabdalla Mansuur iyo Axmed Faarax Cali Idaajaa, kuwaasi oo ka qeybgalay dood ay kaga hadlayaan qurbaha iyo saameynta uu ku yeeshey dhaqanka Soomaaliga.

Maalmihii uu socdey bandhigga ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiiro, ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho, agaasimeyaal, iyo mas’uuliyiin kale oo dowladeed, waxayna ahayd dhacdadii ugu muhiimsanayd sanadka.

Goobjoog News