U bood dhigaalka

Bandhigga Labaad Ee Carwada Buugaagta Oo Maanta Ka Furmaysa Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo Bandhigga Labaad ee Carwada Buugaagta, kaa oo socon donna Muddo Saddex maalin ah.

Maxamed Diini oo ah agaasimaha New Horizon oo bandhiggaan soo qaban qaabisay ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in sanadkaan ay kazoo qeybgali doonaan marti caalami ah, sida Andrew Harding oo ah wariye BBC qeybta Afrika u shaqeeya, isaga oo halkaasi kusoo bandhigi doona buugiisa la magac baxay they Mayor Muqdisho.

Diini ayaa sheegay in Buugaagta sanadkaan la filayo in carwadan lagu soo bandhigo ay rajeynayaan inay gaarto 3-kun oo Buug.

Bishii 8-aad ee sanadkii 2015-kii Ayaa sidan oo kale magaalada Muqdisho lagu qabtay Bandhigga Buugaagta kaasi oo lagu soo bandhigay buugaag ay qoreen qorayaal ka yimid  Dibadda iyo kuwa Dalka joogay oo ka qeybgalka Bandhiggaasi.

Bandhigyada sidan oo kale ah ayaa loo arkaa kuwa adkeyn kara qorista iyo ku hadalka Af Soomaaliga.

Goobjoog News