U bood dhigaalka

Bandow Habeenkii Ah Oo Lagu Soo Rogay Deegaanka Leego, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ay Bandow kusoo rogeen degmadaasi, wixii ka dambeeya Salaadda marqib.

Abukar C/laahi Isaaq oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in wax gaadiid iyo dadweyne ah aanay socon karin marka la gaaro habeenkii.

Sababta Bandowgan ay usoo rogeen ayuu ku sheegay ammaanka deegaankaasi oo la sugayo iyo sidoo kale xilliyada habeenkii oo ay bateen gaadiid ay leeyihiin Al-shabaab oo weeraro soo qaada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shacabka ayuu uga digey guddoomiyaha iney ku xadgudbaan Bandowgaan, waxaana uu si gaar ah ula hadlay darawaladda kaxeeya gaadiidka oo uu sheegay in aysan habeenkii soo gelin ama aaney ka bixin degmadaasi.

“Habeenkii wax socon kara malahan, Bandowgaan waxaan ugu talogalnay in ammaanka lagu xaqiijiyo, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaabaya ayaa habeenkii roondo sameyn doona” ayuu yiri Gudoomiye Isaaq.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ku qaadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegaanka Leego ee Shabellaha Hoose.

Goobjoog News