U bood dhigaalka

Bandow Xalay Ka Dhaqan Galay Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay gabal dhicii gudaha u galay degmada Baardheere ayaa waxa ay halkaasi kusoo rogeen xalay Bandow, kaasi oo dhaqan galay.

Ciidamadaan ayaa fariisin ka sameystay meelaha ugu muhiimsan ee degmadaasi, waxaana sidoo kale ay xireen dhammaan wadooyinka gala degmadaasi.

Shacabka yar ee ku haray degmada Baardheere waxa ay yihiin kuwo guryahooda ku jira, inkastoo badi dadkaasi degmada ay isaga barakaceen.

Korneel Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya ee howlgalka hogaaminaysa ayaa u sheegay Goobjoog News in xaaladda degmada Baardheere ay tahay mid aad u degan.

Waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan Baardheere meel fagaare ah lagala hadli doono, loona sheegi doono in si caadi ah ay howlahooda u wadan karaan.

Goobjoog News